Dowladda oo la wareegtay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud iyo ciidamada oo ku sii jeeda degmada Ceelbuur

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidamada deegaanka oo si buuxda ula wareegay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ah magaalo istaraatiiji ah, deegaanno kale iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ka soconaya gobolkaas.

Magaalada Wabxo oo 45 KM  qiyaastii u jirta Degmada Ceelbuur oo ah Magaalo qadiimi ah, taas oo afriisin u aheyd dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa hadda laga saaray, dagaal aan dhiig ku daadan, inkastoo deegaanno u dhaw dowladdu ay sheegtay in jab xooggan gaarsiiyeen kooxda.

Taliyaha Ciidamda xoogga Soomaaliya Ibraahim Muxayadiin oo kormeeray jiida hore ee dagaalka iyo difaacyada ciidamada ee magaalada Galad, kaas oo ka soo muuqday warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda gacanta ku hayaan Wabxo, balse ay diyaarinaya qorshaha xiga ee lagu qaban lahaa degmada Ceelbuur oo ah degmada ugu muhiimsan Al shabaab ay ka heystaan Galmudug.

Sidoo kale Ciidamada xogga iyo kuwa deegaanka ayaa la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale, Gal qoryaale, Bidda Ciise, iyo goobo kale oo ay ku jiraan Habarcirir,Warxoole, Ceelboore, Wara-gibile,  Wara-dhuumale iyo Ceelgorof Xin-Fardood oo kawada tirsan gobolka Galgaduud.

Taliyaha aya sidoo kale ka dhawaajiyay in weerar seddex dhinac ah ay ku qaadi doonaa Ceelbuur, isaga oo intaas raaaciyay in ciidan kale oo abaabulan ay ka soo bixi doonaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaa  uu  ciidamada kula dar daarmay inay xoojiyaan ammaanka iyo kor u qaadida dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dowladda Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay dhankiisa sheegay in howlgalka ay wadaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay yihiin kuwa lagu jabinayo Al shabaab, oo looga saarayo guud ahan degaannada Galmudug.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa si lamid ah laga dareemayaa  waqooyiga gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo taabacsan kuwa deegaanka, waxana goobta laga sheegay in ay kuu biirayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo si isku dhaf ah loo qalabeeyay.

 

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed