Dowladda oo la wareegtay degmada Nuur-nirgood ee gobolka shabeelada dhexe

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamada xoogga ee dowladda Soomaaliya oo la wareegay gacan ku heynta degmada Nuur-nirgood iyo deegaanka kaabbiga ku hayo ee Hiwle-gaab ee kawada tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

Ilo wareedyo ka tirsan saraakiisha dowladda ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaannadaas oo gacanta ay ku heysay kooxda Al shabaab, waxaa la sheegay in ay iskaga bexeen markii ay maqleen in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku soo wajahan yihiin goobta.

Ciidamada la wareegay Nuur-nirgood iyo Hiwle-gaab , ayaa bilaabay baaritaanno lagu xaqiijinayo ammaanka, sidooo kale waxaa jiro in ciidamada gaarka ah ee miinooyinka ay baaritaanno kawadaan saldhigyadii Al shabaab laga saaray.

Horay, dagaalka qaraar oo  kaga dhacay degmada Nuur-nirgood ayaa waxaa la wareegay kooxda Al shabaab, iyaga oo ka saaray ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, balse markale ciidanka dowladda ayaa ku qabsaday dagaal aan dhiig ku daadan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed