Dowladda Mareykanka oo war ka soo saartay codsigii Soomaaliya ee ku saabsanaa in dib loo dhigo ciidamada ATMIS

Dowladda Mareykanka shaaca ka qaaday in ay taageertay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ay kaga codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ATMIS saddex bilood.

Shane Dixon oo ah sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Washington ay taageero xooggan siin doonto dalabkii ku aadanaa in ciidamada ATMIS dib loo dhigo, oo lagu waday in 3,000 ay baxaan dhammaadka bishaan.

“Safaaradda Mareykanka waxay taageeri doontaa baahida iyo codsiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Dixon isagoo xusay in ay mar walba waan taageersan yihiin codsiga la xiriira in dib loo dhigo wajiga 2-aad ee bixitaanka ciidamada ATMIS.

Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isbuucii hore oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo muddo 90 cisho ah ciidamada dalga laga saarayo eegaaraya ilaa 3,000 oo askari kuwaas oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa sababta  dib u dhigidda ku sheegtay arrimo farsamo oo la xiriirto dib u dhaca ku yimid dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee ka socda dalka, gaar Hirshabeelle iyo Galmudug oo ciidamadu ka soo laabteen magaalooyin istaraatiiji ah oo ay kala wareegeen dagaallamayaasha Al shabaab.

Si kastaba 3,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS ah ayaa lagu waday inay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka bishan, iyadoo la raacayo qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed