Dowladda Mareykanka oo safiir cusub u magacawday Soomaaliya kaas oo faah faahin laga bixiyay

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya, oo lagu magacaabo Richard H. Riley, kaas oo la filayo in uu dhawaan la wareego shaqadiisa. Magacaabista Riley ayaa noqoneysa safiirkii afaraad ee Mareykanka u soo magacaabo Soomaaliya tan iyo markii uu dib u soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal sanadkii 2013-kii.

Richard H. Riley ayaa bedeli doona Larry André Jr., oo safiir ahaa hal sano. Riley oo muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay inuu ka soo bixi karo mas’uuliyadda doorkan, ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha kala duwan ee Maraykanka, sida ciidamada Maraykanka, USAID iyo ururada kale ee ku hawlan la dagaalanka argagixisada caalamiga ah.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa dib u soo laabtay sanadkii 2013-kii, kaddib xasillooni darro iyo dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday. Danjire Stephen Schwartz ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo Soomaaliya u jooga bishii June 2016, waxaana xilka kala wareegay Donald Yamamoto October 2018. Larry André Jr. Waxa uu xafiiska la wareegay bishii Febraayo 2022, wuxuuna xilkaas hayay illaa July 2023.

Magacaabistan, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay dib u xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto socdaalka ay ugu jirto xasilloonida iyo horumarka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed