Dowladda Mareykanka oo malaayiin doollar ku bixisay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jior Al shabaab

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa $2 milyan oo dollar ku wareejisay Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loogu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

UNSOS waxa ay taageertaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Abaalmarinta ayaa lagu maalgelin doonaa gaadiidka iyo daad-gureynta daawaynta ee tiyaatarada ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee hoos yimaada waajibaadka UNSOS.

“Waa muhiim in ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo ATMIS ay helaan taageerada saadka ee xooggan ee looga baahan yahay si looga adkaado al-Shabaab goobaha dagaalka,” ayuu yiri Shane Dixon, oo ah u-qaybsanaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. “Waan ku hanweynahay inaan taageerno UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya si aan u taageerno hadafkeenna aan wadaagno ee horumarinta nabadda.”

UNSOS waxaa hadda loo igmaday in ay taageerto 15,900 oo xubnood oo ka tirsan Ciidanka Amniga Soomaaliya iyadoo la eegayo baahiyaha saadka ee gaarka ah.

“Deeqdani waa mid ku soo beegantay waqtigeedii waxayna si togan u saamayn doontaa hawlgaladeena ku aadan sidii aan taageero saadka ah u siin lahayn Ciidamada Amniga Soomaaliya,  taageerada waxaa u xilsaaran Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo mudnaanta fulinta arrimahan oo ah kuwa xilligaan loo qabo baahi aad u weyn.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed