Dowladda Mareykanka oo 10 milyan oo dollar dul dhigtay hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo faah faahin laga bixiyay

Dowladda Mareykanka ayaa sheeegtay in lacag gaareysa 10 milyan oo dollar ay siineyso cidii keento macluumaad ku saabsan halka uu ku sugan yahay Axmed Diiriye oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Cumar iyo Abuu Cubeyda oo ah xubin sare oo ka tirsan uruka Al shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Abaalmarinta Caddaaladda ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-shabaab, xilkaas oo uu qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Abuu Cubeyda wuxuu ka mid ahaa xubnaha Godane markii uu dhimanayay, sida lagu sheegay warbixinta, Mareykanka ayaa hogaamiyaha Al-Shabaab la xiriiriyay weeraro ka dhacay gobolka Bariga Afrika oo ay Kenya ku jirto.

“Inta uu hogaanka hayay, argagixisada IS waxa ay weeraro ka fuliyeen Somalia, Kenya, Uganda iyo Djibouti oo ay ku dhinteen boqolaal qof,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Ka hor inta aan la bedelin Godane, Mareykanka ayaa sheegay in Abuu Cubeyda uu kasoo shaqeeyay dhowr jagooyin oo u hayay Al-shabaab, sida Kaaliye Godane, Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya 2008-dii, iyo Guddoomiyihii Al-shabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool Soomaaliya 2009kii.

Sannadkii 2013-kii, waxa uu la taliye sare u ahaa Godane, waxaana uu ka soo shaqeeyay “Waaxda Arrimaha Gudaha” ee al-Shabaab, halkaas oo uu u kormeeray hawlgallada, ayaa lagu yiri warbixinta.

Abriil 21, 2015, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Abuu Cubeydah u aqoon-satay Argagixiso caalami ah oo si gaar ah loo soo magacaabay iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee 13224.

Bishii Abriil 2010, Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cunaqabateynta Soomaaliya ayaa al-Shabaab ku daray liiska cunaqabateynta ee 1844 iyadoo tixraacaysa cutubka 8 ee Qaraarka 1844 (2008).

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed