Dowladda Maraykanka oo soo saartay bayaan ku saaban Shirkii IGAD ee lagaga Hadlayo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

War saxaafadeed ay soo saartay  dowladda Mareykanka ayey ku sheegtay inay taageersan tahay shir madaxeedka IGAD ee lagu wado inuu qabsoomo 18-ka bishan Janaayo, iyadoo shirkan uu yahay mid looga hadlayo xiisadda ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, tillaabadaan ay Soomaaliya u aragto inay ku xad-gudbi doonto madax-banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Dowladda Mareykanka ayaa bayaankeeda ku xaqiijisay in ay taageersan tahay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayaa barteeda twitter-ka ku soo qortay, “Maraykanku waxa uu taageerayaa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.” Hadalkan taageerada ah wuxuu la jaan qaadayaa mawqifka ballaaran ee caalamiga ah ee u ololeynaya xal diblomaasiyadeed iyo wadahadal nabadeed si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu gudbiyay taageerada Mareykanka ee baaqyada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa ee ku aaddan xasaradaha, wadahadalka, xabbad-joojinta, iyo xallinta colaadda Suudaan.

Iyadoo uu soo socdo shir madaxeedka IGAD, ayaa indhaha beesha caalamka waxa ay diiradda saarayaan natiijada ka soo bixi doonta wada xaajoodyada, iyadoo la filayo in la qaado tallaabooyin lagu qaboojinayo xiisadda, looguna gogol xaarayo wadashaqeyn hufan oo dhex marta dhinacyada ay khuseyso. .

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed