Dowladd Soomaaliya oo ciidamo hubeysan u dirtay koofurta gobolka Mudug iyo faah faahin laga bixiyay

DowladdFederaalka Soomaaliya a ayaa ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Kumaandooska Gorgoree sida gaarka ah u tababaran u dirtay koonfurta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug si ay u xoojiyaan ciidamada kale ee isku dhafka ah si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa ka tirsan guutada 7-aad ee ururka 18-aad ee ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya , waxaana la filayaa in ay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho oo ay meelo kala duwan ka dhoofaan.

Ujeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kordhineyso Ciidankaan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa Ciidamada kale ee ay dowladdu horay u geysay oo gacan ka helaya Daraawiishta Maamulka Galmudug iyo dadka deegaanka sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamadan ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiishii horey howlgalkan ugu jiray, waxaana ay ka wada hadleen sidii ciidamadaan Al shabaab uga xoreyn lahaayeen deegaanada ay weli kaga sugan yihiin koonfurta gobolka Mudug.

Hoggaanka Guutooyinka kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gaaraan deegaanada ka maqan gacanta maamulka gobolka ee Koonfurta Gobolka Mudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed