Doorashooyin iska hor jeedo oo maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso iyo wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ka hadlay

Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacday labo doorasho oo iska soo hor jeedo, tallaabadaan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan, kadib markii Xisbiyada Sincad iyo Mideeye ay kala doorteen labo Maayar oo ay yeelaneyso magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, iyada oo ku xigeennada labada garab ay ka kala yimaadeen xisbiga Mustaqbal.

Cabdifitaax Shanle  oo ka tirsan xisbiga Sincad iyo Bashiir Faarax oo asna ka tirsan xisbiga Mustaqbal ayaa loo kala dhaariyay Maayarka magaalada Boosaaso iyo ku xigeenkiisa doorasho ay qabteen.

Dhinaca kale xisbiga Mucaraadka ee Mideeye oo dhankiisa doorashop qabtay ayaa Maayarka magaalada Boosaaso u magacabay Cabdiraxmaan Jinac oo ka tirsan isla xisbiga, halka ku xigeenkiisa loo magacabay Cumar Mursal oo ka soo jeeda dhinaca xisbiga Mustaqbal.

Doorashooyinkaan iska soo hor jeedo ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso, waxana dhalatay falcelin xooggan, iyada oo ay dood culus ka taagan tahay hannaanka loo wajihi doono arrintaas.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa sheegay in labadaan doorasho ee dhacday uusan midna marin habraaci loo dejiyay, isla markaana ay wadatashi ka yeelan doonaan tallaabada ay qaadayaan.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed