Doorasho ka dhacday Puntland oo lagu doortay guddoomiyaha guddiga doorqashooyinka maamulkaas iyo kulan laga yeeshay muddo kordhinta xukuumadda

Doorasha ka dhacday Puntland ayaa lagu doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulkaas, Fu’aad Abshir Adeer oo ka tirsan xisbiga  Kaah ayaa noqday guddoomiyaha guddiga Puntland ee PEC..

Halka guddoomiye ku xigeen guddiga ayaa loo doortay Axmed Maxamuud Cumar oo ka tirsan isla xisbiga Kaah ee uu hoggaamiyo Saciid Cabduulaahi Deni madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale guddiga joogtada ee baarlamaanka maamulkaas ayaa dood adag ka yeeshay hannaanka muddo kordhinta loogu sameeynaayo hey’addaha dowladda kulan ay maanta yeesheen, qaar kamid ah xubnaha guddiga ayaa soo bandhigay in xkuumadda talada heyso loogu daro muddo labo sano ah, oo lagu diyaarinayo doorasho qof iyo cod ah ee ka dhacdo deegaannada Puntland.

Balse ilaa hadda wax natiijo ah kama soo bixin arrintaas, iyada oo la soo hadal qaaday in dib loo dhgo, lana sugo Madaxweynaha oo la sheegay in uu ku maqan yahay safar bannaanka ah.

 HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed