Doorasha Golaha Deegaanka Puntland oo Socota.

Dooraashada qof iyo Codka ah ee golaha deegaanka ayaa ka socota degmooyin iyo deegaanno ku yaal Puntland, iyada oo safaf dhaa dheer loo galay si codka loo dhiiban laha, waxana isku yimid kumanaan dad weyne.

 Doorashadaan ayaa ka socoto dhammaan deegaannada Puntland marka laga seddex degmo oo ku yaal gobolkal Nugaal, kuwaas oo xalay guddiga doorashooyinka ay hakiyeen, kadib markii ay suurto gali weysay khilaaf ku aadan hannaanka dooraashada oo ay isku hayaan Madasha siyaasadda Puntland iyo maamulka talada haya.

Degmooyinka kala ah Garowe, Godobjiraan iyo Dangaronyo ayaa ah kuwa la hakiyay, guddiga ayan sheegay in ay dib ka shaaci doonaan xilliga laga qabanaayo dooraashada qoraal ay xalay soo saareen.

Si kastaba, doorashada khilaaf xooggan uu ka taagan yahay oo aanan hishiis lagu aheyn ayaa markii ugu horreysay ka socoto Puntland oo taarikhii ah maaddaama ay tahay qof Cod.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed