Doon ganacsi oo lagu af-duubtay meel u dhow Soomaaliya iyo faah faahin kooban oo laga bixiyay

Wararka hoose ayaa sheegaya in dooni lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, taasoo keentay qeylo dhaan iyo walaac laga qabo inay dib u soo cusboonaadaan burcad badeeda Soomaalida kadib taniyo sanadkii 2017.

Hay’adda Ganacsiga Badaha Ingiriiska ee UKMTO ayaa sheegtay in Markab ganacsi oo muhiim ah ay dad aad u hubeysan ku qabteen meel ku dhow degmada Eyl ee xeebaha Soomaaliya, halkaasna lagu afduubtay.

Xogtan ayaa laga helay saraakiisha ciidamada, inkastoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin kooxda afduubka geysatay.

Baaritaannoo culus ayaa lagu sameeyay dhacdadan, ayana lagu guuleysan. Hay’addu ma aysan bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda ay ka tirsan yihiin kooxaha afduubka geystay, balse waxay sheegtay inay baaritaan ku socoto, ayna dib kasoo sheegi doonaan halka uu marayo baaritaanka.

Beesha Caalamka ayaa weli ka fekereysa inay la socdaan xaaladdan oo ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta ganacsiga badda iyo amniga gobolka iyadoo arrimihii ugu dambeeyay ay walaac ka muujiyeen ganacsatada.

Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii koox burcad badeed Soomaali ah ay afduubteen markab ganacsi oo uu ka babanaayay calanka Malta.

Markabka weyn ee Ruen oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa laga afduubtay meel ku dhow Jaziiradda Socotra ee dalka Yemen, oo qiyaastii 150-Mayl u jirta Xeebaha Soomaaliya.

Mid ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa u baahday daryeel caafimaad waxaana loo daadgureeyay markab ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya.

Waxaa xusid mudan in dhawaanahan ay sii kordhayaan weerarada lagu hayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan badda cas ee ay Xuutiyiinta Yemen taageerto ee Iran, taasi oo khalkhal galisay ganacsiga caalamiga ah, isla markaana walaac  beertay.

Booliska badda Soomaaliya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay xoojiyey ammaanka, kaddib markii Pentagon-ka uu qiimeeyay cabsida laga qabo inay kororto afduubyada burcad badeedda ee ay geysanayaan gudaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed