Dolwdda Soomaaliya oo daah-furtay shaqaalleysinta wajiga labaad 3,000 oo Macalin oo Cusub ah

Talaabadan lagu xoojinayo muuqaalka waxbarashada Soomaaliya darteed, ayaa Wasaaradda Waxbarashada waxay ku dhawaaqday wajigii labaad ee shaqaaleysiinta, iyadoo la keenayo 3,000 oo macalimiin cusub ah. Tallaabadan, ayaa muujinaysa qorshayaasha labaad ee sanadkan, waxayna hoosta ka xariiqday sida hagar la’aanta ah ee ay dowladdu uga go’an tahay horumarinta tayada waxbarashada dalka oo dhan.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi ayaa horay goobo fagaaro ah uga sheegay doorka muhiimka ah ee ay waxbarashadu ku leedahay horumarka dalka, isla markaana dowladdu ay mudnaanta siineyso waxbarashada.

Hindisaha ugu dambeeyay, ayay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda sheegeen in uu yahay mid la jaan-qaadaya hiigsiga ballaaran ee dowladda ee ku aaddan dib-u-soo-nooleynta iyo tayeynta hannaanka waxbarasho ee Soomaaliya, taasoo ah aasaaska dadka aqoonta leh oo aad u xirfad badan.

Jidka shaqaalaysiinta ayaa tilmaamaya hab firfircoon oo wax looga qabanayo caqabadaha soo wajaha qaybta waxbarashada, ilaa 3,000 oo macalimiin oo barayaal  cusub ah, si loo kordhiyo macalimiinta Soomaaliya, iyad oo kor loogu qaado guud ahaan waayo-aragnimada waxbarasho ee ardayda.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in muhiimad gaar ah ay siineyso sidii loo dabooli lahaa galdaloolooyinka dhanka waxbarashada ah ee ka jira deegaannadii laga saaray Al-Shabaab sanadkii hore dagaaladii ka dhanka ahaa kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed