Dolwadda Soomaaliya oo hishiis seddex geesood ah isla markaana muhiim ah ku saxiixatay dalka Mareykanka

Tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo saadka ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa heshiis saddex geesood ah u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur. Saxiixa waxa uu ka dhacay New York waxana ka qeybgalay daneeyayaasha caalamiga ah ee muhiimka ah.

Heshiiskan oo ay ku lug leeyihiin Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa ujeeddadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada shaqada ciidamada milateriga Soomaaliya. Iskaashigan istaraatiijiga ah ayaa la filayaa inuu xoojiyo baahida ciidamada ammaanka si ay u sii wadaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa rajo ka muujiyay saameynta wanaagsan ee iskaashigaan uu ku yeelan doono ammaanka Soomaaliya. Heshiisku wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay beesha caalamka uga go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamka difaaca.

Iyadoo ay soo baxayaan faahfaahinta heshiiska, ayaa waxaa la filayaa in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay la kulmaan howlkarnimo dhanka maamulka saadka ah, taasoo u sahlaysa inay si hufan uga jawaabaan caqabadaha dhanka ammaanka ah. Heshiiska saddex geesoodka ahi waxa uu astaan ​​u yahay safarka ay Soomaaliya u marayso isku-tashi iyo nabad waarta

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed