Diyaargarow Xooggan oo Dhan Al shabaab ee Gabolka Gedo iyo Howlgallo Laga Fuliyay Sh Dhexe.

Diyaargarowga Howlgal ka dhan ah ‘AS’ oo ka socda Degmada Baardheere Gobolka Gedo.

Diyaargaroow xooggan oo ka bilaawday gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya, halkaas oo lagu soo bandhigay Ciidamo badan oo loo diyaariyay dagaalka Al shabaab wajigiisa labaad.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo DG Jubbaland waxaa ka socda abaabulka howlgal ka dhan ah Al shabaab kaddib markii la diyaariyay ciidamo deegaanka ah oo loo qorsheeyay in ay la howlgalaan kuwa Federaalka.

Mas’uuliyiin maamulka Degmada Baardheere ayaa sheegay in diyaargarowga socda ujeedkiisa uu yahay in ‘AS’ laga qabsado deegaannada hoostaga Degmadaas ay joogaan si looga hortago weerarada ay ku qaadaan saldhigyada iyo xarumaha Ciidanka.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in howlgalladaan ay ka duwan yihiin kuwii horay maadaama la diyaariyay ciidamo u diyaarsan fulinta howlgalkaan.

Ciidamada tababarka qaatay ee uu la hadlay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag waxa uu u sheegay in ujeedka loo tababaray aanay ahayn in ay dib ugu laabtaan guryahooda ama ay iska dhex joogaan Magaalada balse shaqo laga sugayo.

Dhanka kale deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe ayaa Ciidanka dolwadda iyo kuwa deegaanka waxaa ay ka fuliyeen Howlgallo lagu burburiyay Fariisimo Al shabaab ay ku lahaayeen qeyb kamid ah deegaanada Gobolkaas.

Ciidamada dowladda iyo deegaanka oo is garabsanaya  garabsanaya ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Ceel Cali godle iyo deegaano kale oo dhinaca Waqooyi kaga beegaan deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay ay sii wadi doonaan howlgalladaan looga soo horjeedo kooxda Al shabaab, waxana ay hoosta ka xariiqeen in ah sii wadi doonaan howlagaldaan inta ay gacanta ku dhigayaan guud ahaan goobaha ay Al shabaab heystaan.

HBN News Desk.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed