Diyaarado dagaal oo duqeeyn ka gesytay xadka Hiiraan iyo Galgaduud iyo faah faahin laga bixiyay

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee aanan la garan ayaa duqeymo ka geystay deegaan yar oo ay maamulaan Al-Shabaab oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, xilli ciidamada Xoogga ay kordhiyeen howlgallada dhulka ee ay ka wadaan deegaannada maamulka Galmudug.

Ilo wareedyo ku sugan deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday deegaanka Cali Xeyle oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaasi oo Al-Shabaab ay ka wadeen abaabul dagaal oo ka dhan ah saldhigyada ciidamada.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, iyadoo deegaanka uu fog yahay, mana jiraan mas’uuliyiin ka tirsan gobolka oo ka hadlay howlgalkaasi, inkastoo ay fuliyeen diyaarado loo maleynayo Mareykanka, balse lama xaqiijin.

Tuulada la duqeeyay ayaa ku taalla xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaasi oo muddo dhowr bilood ah uu ka socday howlgal xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya lagu arkay hawada sare deegaano dhowr ah oo ku teedsan deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Talaabada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay Al-Shabaab ugala wareegto qeybo ka mid ah gobolada dhexe ayaa ah mid miro dhal ah, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ay Al-Shabaab ka saareen deegaano badan.

Ciidamada Mareykanka ayaa tababaro siiya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ee loo yaqaano Danab, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed