Diyaarad ku burburtay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Diyaarad shacab oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ama ay ku dagaan maanta. Diyaaradan oo nooceedu ahaa 60-AAD, ayaa waxaa la socday dad rayid ah oo kaliya, xilliga ay burburtay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa xaqiijisay in shilkaasi uu ku dhaawacmeen labo qof, iyadoo dhammaan dadkii kale la badbaadiyay.

Sida ay sheegtay Wasiirku, sababta keentay shilkan diyaaradeed ayaa la xiriira taayirrada hore oo si khaldan u dhacay isla markii ay diyaaraddu soo degtay. Maamulka ayaa baaraya shilkan si ay u ogaadaan waxa keenay shilkaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed