Diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku burburtay meel u dhaw xadka Soomaaliya khasaaro xoggan ayaa ka dashay

Sideed qof ayaa ku dhimatay diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku burburtay meel u dhow xadka Soomaaliya, laamaha ammaanka Kenya ayaa si qarsoodi ah saxaafadda u sheegay in dhammaan askartii iyo shaqaalihii la socday diyaaradda helicopter-ka ay dhinteen.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay ku burburtay meel u dhow xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay gobolka Lamu ee xeebta dalka Kenya. Ciidamada difaaca Kenya ayaa ka howlgala aaggaas si ay gacan uga geystaan ​​ka hortagga kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, oo saldhigyo ku leh xuduudka Soomaaliya.

Waaxda Difaaca DoD ayaa sheegtay in diyaaradda Helicopter-ka ee Ciidanka Cirka ay burburtay xilli ay habeenkii roondo ku jirtay, sida lagu sheegay warbixinta ku saabsaneed burburka diyaarada.

Laamaha ammaanka oo magacooda qariyay sababa xiriiro inay la hadlaan weriyeyaasha ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dhammaan askartii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda helikobtarka ay dhinteen.

Laakin ilo kale ayaa sheegay in ay  tacsi loo diray qoysaska shaqaalaha diyaarada, balse ma aysan sheegin tirada dadka ku dhintay dhacadadaasi.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale Soomaaliya ku sugan kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya si ay gacan uga geystaan ​​la dagaalanka Al-Shabaab. Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya loo soo daabulay sanadkii 2011-kii, balse hadda waxaa socda qorshe lagu doonayo in ciidamada caalamiga ah looga saaro Soomaaliya, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay la wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalkooda.

Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, iyagoona ku dilay dad badan oo ku sugnaa deegaanada dhaca xadka labada dal, iyada oo xoogaga Al Shabaab ay dareemeen culeys kaga yimid duulaankii ay ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya sanadkii hore kadib markii la doortay bishii May, Xasan Sheekh Maxamuud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed