Dil wadareed argagax leh oo Shabeelada Dhexe loogu geystay Macalin dugsi quraan iyo afar kamid ah xertiisa

Macalin dugsi quraan iyo 4 kale oo la sheegay in ay ahaayeen xertiisa ayaa kooxo hubeysan waxaa ay ku dileen deegaanka Xaaji Cali oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelada Dhexe. Dhacdadaan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan iyo argagax maaddaama dilkaan loo geystay macalin dhigayay dugsiga quraan iyo xertiisa oo la sheegay in xilligaas ay ka soo baxeen sumac, kuwaas oo ku sii jeeday guryahooda.

Allah u naxariiste Shanta ruux  oo maleeshiyaadka hubeysan dileen ayaa lagu kala magacaabi jiray Macalin Mukhtar Macalin Maxamuud Yuusuf, Cumar Axmed Yuusuf, Mukhtaar Axmadey Macalin Maxamuud, Maxamed Maxamuud Cali Faradar iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Cali Faradar

Dadka deegaanka  ayaa sheegay in goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, ayna ka wadaan baaritaano la xiriira falka dilka ah, ayna gacanta ku soo dhigi doonaan dembiilayaasha.

Dilkan naxdinta leh ayaa la xiriira aargoosi qabiil oo sanado badan ka dhacayay gobolka Shabeelada Dhexe.

Dagaalkan ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo xiisado iyo dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dhulka miyiga ah, kaasoo ka dhashay dagaal muddo soo jiitamayay oo salka ku hayay lahaanshaha dhul iyo tuulooyin u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed.

Si kastaba ha ahaatee odayaasha dhaqanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo bandhigay xiisada ka dhalatay dagaalkan, iyagoo sheegay in muddooyinkii dambe ay socdeen dilal aargoosi ah iyo dadaalo lagu soo afjarayo colaadaasi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed