Dil loo geystay dad Soomaali ah oo sababay banaan bax xiray Suuqa Islii ee magaalada Nairobi

Goobaha ganacsiga ee Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa xiran maanta, ka dib dil argagax leh oo loo geystay hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah oo ka dhacay Kenya. Meydadka gabdhaha ayaa laga helay qaybo kala duwan oo Nairobi ah, halka hooyadana laga helay magaalada Machakos, oo 61 kiilomitir u jirta magaalada.

Qoyska saddex qof ee dilay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdadaan agragaxa leh, iyaga oo sheegay in hoggaanka dambi baarista Kenya ee DCI ay ka dalbanayaan in si deg deg ah ay u soo qabtaan dambiilayasha.

Meydadka Waris Daa’uud, gabadheeda Aamina Cabdirashiid iyo gabar ay habaryar u ahayd oo lagu magacaabi jiray Nuseyba Daahir ayaa laga kala helay meela kala duwan magaalada Nairobi ah.

Bulshada Soomaalida ee Islii ayaa carro ka muujiyay dilkaan, waxaana ay sheegeen in falkaasi argagaxa leh yahay mid ka fog islaamnimada iyo binu aadanimada, iyaga oo banaan bax ka wada xaafadda.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Soomaalida Kenya ayaa u tagey qoyska ay dhibaatada soo gaartay, waxaana ka mid ah Xildhibaanka deegaanka Kaama-kunje, Yuusuf Xasan, oo sheegay in caddaalad loo baahan yahay, isla markaana laamaha amniga ay ku howlan yihiin baaritaanka dhacdadan.

Booliiska Kenya ayaa sheegay ay weli wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxdii dishay hooyada iyo labadeeda gabdhood.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed