Dil argagax leh oo loo geystay macalin dugsi iyo dhaqtar caafimaad isla markaana wada dashay

Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday gobolka Galguduud, kooxo hubeysan ayaa deegaanka Ilix oo ku dhow magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug ku dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo walaalkii oo dhaqtar ahaa. Wiilashaan dhintay ayaa lagu kala magacaabi jiray Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr. Axmed Xasan Cismaan, kuwaas oo naftooda ku waayay dil qorsheysan oo ay naftooda kuw waayeen.

Weerarkan dhacay ayaa argagax ku abuuray gobolka. Labada dhibaneba waxay ahaayeen dad magac ku leh deegaanka, kana qaybqaatay wanaagga iyo waxbarashada bulshadooda. Doorka macalin Liibaan Xasan Cismaan ee dugsiga qur’aanka kariimka ah dhigayay iyo Dr. Axmed Xasan Cismaan oo ka socday waaxda caafimaadka ee magaalada Buuhoodle ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta bulshada deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay la xiriiraan xiisado beeleed iyo aanooyin qabiil oo in muddo ah ka taagnaa gobolka Galgaduud, taasoo soo noq noqotay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Sababta ka danbeysa weerarkaan ayaa waxaa wali socda baaritaano ay wadaan ciidamada maamulka Galmudug oo laga soo diray magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, si ay gacanta ugu soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay falkan foosha xun.

Dr. Axmed Xasan Cismaan ayaa dhawaan dib ugu laabtay deegaanka Ilix oo uu ka bilaabay howlo caafimaad.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed