Digniin ay Soo Saartay Hey’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Soomaaliya.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka
Dowladda Soomaaaliya oo ka digtay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara deegaanada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa soo saartay degniino hor leh oo ku aadan in fatahaado xooggan uu wabiga shabelle ka sameeyo Magaalada Baladweyne iyo deeganada ku xeeran, halkaas oo kamid ah meelaha Wabigu uu ka sameeyo Fatahaada Badan.

Taas oo saameeyn ku yeelaya nolosha deegaanka, dadka, iyo Isku socodka, waxana ka dhashaa kumanaan Barakacayaal ah marwalbe oo uu Wabigu Biyo keeno.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in Roobab ka da’ay Buuraleyda Itoobiya ay sababeen sare u kac ku yimid heerka Biyaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba taas oo sare u qaaday cabsida laga qabo in ay sameeyaan fatahaado Saameeyn ku yeeesha guud ahaan deegaanada ay maraan Wabiyad.

Warka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in heerka Wabiga Degmooyinka Beledweyne iyo Jawhar oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uuna mara Wabiga Shabeelle ay isbuucyadii la soo dhaafay kor u kacay in ka badan 2.5 Meter, taas oo ka dhalanta karta in uu Sameeyo Fatahaado saakeeyn ku yeesho nolosha dadka nuuc walbe.

Ugu damebyn Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Soomaaiya ayaa lagu sheegay in Hay’adda ay digniin aad adag u direyso bulshada ku dhaqan hareeraha Wabiyada iyo togoga biyo mareenka ah waxana loogu baaqay in ay qaadaan Tallaabooyin feejignaan ah oo ku aadan bad-baadinta noloshooda iyo hantidooda.

Si kastaba Xilliyadaan oo kale markii Wabiyada ay biyo-keenaan dadka daggan Hareeraha Wabiyada iyo deegaanada ku dhaw waxaa dareemaan Cabsi Xooggan oo ku aadan Fatahaadaha ka dhasha qul-qulka biyaha.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed