Dibad-baxayaal Carreysan oo Qabsaday Dekadda magalaada Mombasa ee Kenya

Dibad-baxayaal ayaa  xoog ku qabsaday dekedda magaalada Mombasa ee dalka Kenya kuwaas oo ka soo  horjeedaan canshuur kordhin lagu sameeyay oo muran dhaliyay.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa todobaadkii hore saxiixay sharci canshuuro cusub ku soo rogaya dadka Kenyaanka ah ee horay u soo maray dhibaato aad u daran oo dhanka nolosha ah.

Horay maxkamadda sare ee Nairobi ayaa hakisay dhaqangelinta hindise-sharciyeedka cusub kaddib markii senator uu gudbiyay dacwad ka dhan ah sharcinimadiisa dastuuriga ah.

Isbaheysiga Azimio ee hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ku baaqay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo ay kaga cabanayaan saameynta canshuuraha cusub.

Dadka ku nool guud ahaan Kenya oo u badan dad faqri ah ayaa wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, kadib markii dhaqaalaha dalkaasi uu xumaaday  sannadihii la soo dhaafay.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed