Dhulgariir saaka ka dhacay dalka Jibuuti- Maxaa u dambeeyay?

Dhulgariir cabirkiisu yahay 5.2 heerka dhulgariirada lagu cabiro ayaa saaka waaberigii ka dhacay dalka Jibuuti, waxaana laga dareeay magaalada caasimada ah iyo gobollada kale ee dalka.

Dhul-gariirkan ayaa dhacay saaka saacadu markay ahayd 4:22 xiliga Geeska Afrika, mana jirto wax khasaare naf iyo maal oo uu sababay sida ay xaqiijisay hay’adaha cilmi barista dalka Djibouti CERD.

Dawlada Jibuuti ayaa ku dhawaaqday in ardayda dhamaan la fasaaxay dhugsiyada waxbarashada.

Dhulgariirkii u dambeeyey ee ka dhaca dalka Jibuuti ayaa dhacay bsihii Abriil 2008, waxaana dhul gariirkaaas cabirkiisu ahaa 5 magnitude. Dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ka dhacay aagga Jabuuti ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2.

Warqabadka HBN TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed