Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.1 oo ku dhuftay waqooyi galbeed dalka Turkiga

Dhulgariir cabirkiisu yahay 5.1 ayaa ku dhuftay badda Marmara ee Gemlik Bay, oo u dhow gobolka Bursa, subaxnimadii hore ee Isniintii, dhul gariir ayaa ka dhacay guud ahaan gobolka oo ay ku jirto Istanbul oo ah magaalada ugu weyn Turkiga. Dhulgariirkan oo ka dhacay meel qoto dheer oo qiyaastii 8.98 kiiloomitir (5.58 mayl) ka hoosaysa oogada badda, ayaa waxaa daba socday saddex daqiiqo ka dib dhulgariir cabbirkiisu ahaa 4.5, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Gurmadka (AFAD).

Dadka ku dhaqan magaalada Istanbuul ayaa dareemay saameynta dhulgariirka, iyadoo darbiyada ay ruxayeen labada dhinac ee Aasiya iyo Yurub ee magaalada caasimadda ah. Muuqaalo laga soo duubay taleefishinada iyo wariyayaal ka tirsan wakaalada wararka ee AFP ayaa soo qabtay muuqaalo ay dadku ka daad gureynayaan guryahoodii si ay u badbaadiyaan, inkastoo aan la soo sheegin wax dhaawac ah ama khasaare laxaad leh.

Maamulka ayaa si dhow ula socda xaaladda, iyadoo heegan sare la geliyay ciidamada gurmadka iyo kooxaha wax ka qabashada musiibooyinka. Dadweynaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay la socdaan warar cusub oo ku saabsan kanaalada rasmiga ah oo ay raacaan tilmaamaha badbaadada iyadoo la filayo inay dhici karto dhulgariir kale.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed