Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax miino oo lala beegsaday ciidamada Kenya xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay wadada dhinaceeda ee gobolka waqooyi bari Kenya, gaar ahaan dhanka xuduudka Soomaaliya.

Saraakiisha qeybta gurmadka deg degga ah oo roondo ka soo qaaday deegaanka Carabiya, waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Mandheera oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, halkaasi waxaa ku haleelay walxaha qarxa oo la dhigay wadada, sida ay booliisku sheegeen.

Askarta  dhaawaca ah ayaa loo qaaday  goobaha caafimaadka ee ku yaalla deegaanka, waxaana labo ka mid ah xaaladooda ayaa aheyd mid aad u liidato , sida ay booliisku sheegeen warbaahinta.

Al shabaab ayaa la aaminsan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi, oo inta badan weeraro iyo qaraxyo ka fuliyo gobolka Mandheera iyo deegaanno kale oo dhaca xadka labada dal.

Weerarada argagixisanimo ayaa inta badan ka dhacay gobolada ku yaal xaduudka Kenya iyo Soomaaliya tan iyo markii askarta Kenya ay ka gudbeen xadka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab sanadkii 2011-kii.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dowladda Kenya ku qasbay in ay hakiso qorshihii ay ku dooneysay in ay ku furto xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed