Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dashay Shil-gaari oo Ka Dhacay Somaliland.

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Shil-gaari oo ka dhacay Somaliland, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa gaariga gadoomay.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal ruux, iyada oo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad Shan kale, qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, waxana loola cararay goobaha caafimaadka oo lagu dabiibaayo.

Shilkaan ayaa ka dhacay wadada xiriiriso magaalooyinka Wajaale iyo Kalabeyr ee gobolka Maroodi Jeex, halkaas oo uu gaariga ku safrayay.

Muddooyinkii dambe waxaa deegaannada Somaliland ku soo badanaya, shilalka gawaarida, waxana loo aaneyaa waddooyinka qaarkood oo burbursan, iyo Darawalada ka xeeya gawaarida oo si xowli ah ku socda.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed