Dhimasho iyo dhaawac ka dashay kaalin shidaal oo ku taal dalka Romania

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 46 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaalin shidaal oo ku taal Romania, sida warbaahinta ay u sheegeen sarakiil caafimaad.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Crevedia ee dhanka waqooyi bari kaga beegan bartamaha magaalada Bucharest.

Raed Arafat oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka Romania ayaa sheegay in afar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu halis tahay, waxaana loo kala qaaday dalalka Talyaaniga iyo Belgium halkaas oo lagu dabiibaayo.

waxaa uu intaas raaciyay in 26 dab damis ah oo isku dayay in ay damiyaan dabka qaraxa kaalinta shidaalka markii koowaad balse ay ku dhaawacmeen tiro badan oo dad ah kuwaasi oo loo qaaday isbitaalka, kadibna waxaa xigay kii labaad oo sii kordhiyay khasaraha.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qaraxa koowaad uu dhacay markii gaas laga soo buuxiyay goob aan sharciyeysney oo aheyd kaalin shidaal, laamaha ammaanka ayaa wado baaritaanno ku aaddan arrintaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed