Dhimasho iyo dhaawac ka dashay gaari dad shacab ah ay la socdeen oo lagu weeraray qaraxyo dalka Senegal

Labo qof ayaa ku dhimatay shan kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qof uu weeraray bas marayay magaalada Dakar ee caasimadda Senegal, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, weerarkaan ayaa loo adeegsaday mab kaas oo lagu tuuray gaariga dadku ay saarnaayeen.

Darawalkii baska waday oo lagu magacaabo Abdoulaye Diop oo ku dhaawacmay weerarka sida ay daabacday  wakaalada wararka AFP oo soo xiganeysa goobjoogayaal  ku sugnaa goobta uu ka dhacay weerarkaan. Baska ayaa ka baxay xaafadaha magaalada, wuxuuna ku sii jeeday bartamaha magaalada Dakar, waxaana wadada u galay koox dad ah, iyaga oo ku tuuray qarax bam ah.

Wasiirka arrimaha gudaha, Antoine Felix Abdoulaye Diome, ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay sidoo kale ay rakaabka ka dhaceen lacag iyo moobilada gacanta. Labo qof ayaa la dilay shan kalena waa la dhaawacay, sidaas waxaa lagu baahiyay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada, iyada oo dhanka kale dowladdu ay sidaas sheegtay.

Rabshado soo noqnoqday intii uu socday loolankii awoodda ee hoggaamiyaha mucaaradka Ousmane Sonko tan iyo 2021 ayaa  sababaay rabshado, dhac iyo boob,  iyo sidoo kale weeraro lagu qaaday gaadiidka dadweynaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed