Dhimasho iyo dhaawac ka dashay dibad-baxyo dalka Kenya.

Rabashado ka dhacay dalka Kenya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii bannaan baxayaal ay dhigeen isku soo bax ballaaran oo ay kaha cabanayaan Canshuuro lagu soo kordhigay iyo cabasho ku saabsan dhaqaalaha dalkaas.

Booliiska iyo dibadbaxayaal ayaa isku dhacay gudaha Kenya, kaasoo qeyb ka ahaa dibadbax ay mucaaradka mamnuuceen oo ay kaga soo horjeedaan qiimaha sare ee maciishada iyo canshuur kordhinta.

Mowjadda rabshadaha ayaa dilay ugu yaraan lix qof guud ahaan dalka ah, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga ayaa bilaabay olole   oo ka dhan ah dowladda sanadkan ka dib markii uu kaga adkaaday William Ruto doorashadii madaxtinimada ee bishii Agoosto ee la soo dhaafay.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed