Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dashay Dagaalka Dhacay Gobolka Bakool

Warar dheeraad ah  oo kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ka dashay  dagaal xoogan oo 24 saac ee la soo dhaafay  ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed kuwaas oo halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalkan ayaa ka billowday muran dhex-maray laba askari oo ka kala tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee Koonfur Galbeed, sida ay ku warrameen Goobjoogayaal.

Cumar Shekh Cabdiraxmaan oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degamda Ceelbarde ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, wuxuuna xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 6 qof oo labada dhinac ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Dagaalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan xiisad tan lamid ah ay ka taagan tahay Baraawe oo ay sidoo kale ku dagaalameen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa K/Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed