Dhimasho iyo dhaawac ka dashay bannaanbaxyo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Faah faahinno klaa duwan ayaa ka soo baxaya Khasaaro ka dhashay bannaanbax ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal ruux iyo dhaawacyada ku dhawaad seddex kale, kadib markii muddaharaadyo looga soo horjeedo xarigii dowladda Soomaaliya ee Sheegow Axmed Cali  ay ka dhaceen Caasimada gobolka, Sargaalkaas ayaa horay uga tirsanaa ciidamada xoogga Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Beledweyne ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen bannaanbaxayaasha taas oo keentay in khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay ka dhashaan bannaanbaxayaasha dhigiyay muddaharaadka, kuwaas oo buux dhaafiyay waddooyinka magaalada Beledweyne

Bannaanbaxa ayaa taniyo shalay waxaa dhigayay beesha uu ka soo jeedo Sheegow Axmed Cali, kuwaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho, Jowhar, Beledweyne iyo deegaanno kale, waxaa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda oo ay ku dalbanayaan in la sii daayo.

Dadka dhigayay muddaharaayada ayaa sheegay in ay siiwadi doonaan bannaanbaxyada iaa xorriyadiisa laga siinayo Sheegow Axmed Cali oo maalin kahor lagu xiray magaalada Muqisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed