Dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dashay rasaas lagu furay Gaari rakaab waday dalka Pakistan iyo faah faahinno ka soo baxay

Maleeshiyaad ayaa rasaas ku furay bas marayey waqooyiga Pakistan, halkaas oo ay ku dileen sagaal qof oo ay ku jiraan laba askari, halka in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay booliska deegaanka.

Weerarka ayaa ka dhacay wadada Karakoram ee waqooyiga gobolka Gilgit Baltistan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliska Azmat Shah. Waddada weyn ayaa isku xirta Pakistan iyo Shiinaha, waxayna sidoo kale sii martaa gobolka Khyber Pakhtunkhwa, halkaasoo ay horay uga dhaceen falal argagixisanimo, maadaama ay halkaas ku sugan yihiin Taliban Pakistan iyo kooxo kale oo mintidiin ah.

Baska ayaa la sheegay in markii rasaasta lagu furay ay saarnaayeen dad rakaab ah oo ka yimid Gilgit kuna sii jeeday Rawalpindi, taasoo keentay in darawalkii uu kontoroolka ka baxo oo uu ku dhaco gaari xamuul ah, waxaana sidoo kale dab qabsaday gawaarid. Labada darawal ayaa goobta lagu dilay.

 

Ra’iisal wasaaraha ku meel gaadhka ah ee Pakistan, Anwar-ul-Haq Kakar, ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku cambaareeyay weerarka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed