Dhimasho & dhaawac ka dhashay madaafiic lagu duqeeyay Laascaanood

Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay madaafiic saaka ku soo dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, sida ay HBN uiu xaqiijiyeen ilo wareed dhanka caafimaadka ah.

Madaafiicdan ayaa mid ka mid ah wuxuu ku soo dhacay Bakhaar ganacsi oo ku yaal magaaalada waxaana ku geeriyooday goobtaasi saddex qof, sidoo kale nin ka mid ah oday dhaqameedka gobolka Sool aad looga yaqaan oo lagu magacaabi jiray Amir  Jaamac Maxamed Mire (Digaale) ayaa isna ku geeriyooday madfac kale oo ku dhacay goob uu ku sugnaa marxuumku.

Xarumaha caafimaadka ee magaalada Laascaanood ayaa la geeyay dad qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo qaarkood laga keenay furimaha dagaalka halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen madaafiicda magaalada lagu soo riday.

Madaafiicdan saaka lagu duqeeyey magaalada ayaa yimid ka dib markii dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu ka dhacay duleedka magaalada gaar ahaan dhanka bari & galbeed, waxaana la maqlayaa dayaanka madaafiicda.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa midba mid kale ku eedeynayaa bilowdag dagaalka, waxaana jira warar baraha bulshada la soo dhigay oo qolo kastaa ku sheeganayso inay gaadiid ka qabsatay dhinaca kale, mise jito cid madaxbannaan oo xaqiijin karta sheegashooyinkaasi.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa soconaya 8 bilood waxaana dagaalkan uu sababay geerida boqolaal qof, dhaawaca boqolaal kale iyo barakaca kumanyaal qof.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed