Dhawaqa rasaas goos goos ah oo ka socoto duleedka Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool aya sheegaya in duleedka magaalada laga maqlayo rasaas goos-goos ah oo ay isku adeegsanayaa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC-khaatumo.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in bariga magalaada Laascaanood ay ka dhacayaan xabado kala duwan, waxana laga dareemayaa xiisad dagaal, iyada oo halkaas ay isku hor fadhiyaan labada dhinac ee isku haya gacan ku heynta gobolka, balse ilaa hadda wax war ah kama aysan soo bixin Somaliland iyo SSC-khaatumo ee ku aaddan xiisadda maanta.

Shalay dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada ayaa dhaliyay khasaaro xooggan oo iskugu naf iyo maal, waxana lagu soo bandhigay warbaahinta bulshada dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dashay dgaalkii cuslaa ee xalay soo gaaray.

Somalilan iyo SSC-Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedeeyay masuuliyadda dagaalka ka socda taniyo shalay bariga magaalada Laascaanood, kaas oo sababay khasaaro horleh.

Dagaalada Laascaanood ayaa wajahaya cambaareeyeen xooggan oo gudaha iyo debadda ah, iyaga oo ka digaya natiijada xun ee ka dhalan karta.

 

Wixii soo kordho  halkaan kala soco.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed