Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda Buurta Gacan Libaax oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Somaliland

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaqdhaqaaq ciidan ka socda Buurta Gacan Libaax ee gobolka Saaxil, halkaas oo ay  ku sugan yihiin ciidan hubeysan oo ka soo horjeedo maamulka Somaliland, sidoo kale ciidan ka tirsan maamulkaas ayaa maanta halkaas lagu arkay, waxana laga cabsi qabaa in dagaallo kale ay dhacaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in labada dhinac ay wadaan dhaqdhaqaaqyo culus, ciidamada Somaliland ayaa lagu arkay deegaanka, iyaga  oo wato gaadiid dagaaal oo xooggan, halka kuwa hubeysan ee ku sugan Buurta Gacan Libaax ay dhankooda ay sameynayaan abaabul ciidan.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka qaba in dagaallo kale ay dhici karaan, iyadoo jimcihii dagaal dhacay ay ku dhinteen 9 askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland, halka 20 kale ay ku dhaawacmeen, taas oo keentay in baaqyo nabadeed oo ay diraan waxgaradka Somaliland, culumada iyo Ururada bulshada rayidka ah.

Shalay ayey aheyd markii madaxweynaha Somaliland uu soo saaray  amar ku aaddan in sharciga la horkeeno dadkii ka dambeeyay ciidamadii lagu dilay weerarkii Gacan Libaax ee gobolka Saaxil.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed