Dhaqdhaqaaqyo ciidamo isku dhaf ah oo ka socdo gobolka Galgaduud iyo wararkii ugu dambeeyay

Warar kala duwan oo ka imaanaya deegaanno ku yaal gobolka Galguduud  ee dowladda goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran oo ay waddaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Kumaandooska loo yaqaan Gorgor Danab iyo  Guutooyinka cusub ee dhowaan loo daabulay Galmudug oo kaashanaya ciidanka deegaanka Macawiisleyda ayaa bilaabay maanta dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ku wajahan deegaannada Al shabaab ay ka maamulaan gobolka Galgaduud.

Saraakiisha hoggaamineyso ciidamada isku dhafka ah ayaa sheegay in ay ku sii jeedaan  deegaaanno aysan magacaabin oo kooxda Al shabaab ay ka arrimiyaan, saraakiisha ayaa intaas raacisay in ay qorsheynayaan in ay gacanta dowladda ay soo galiyaan deegaannadaas, waxana la fahansan yahay in ciidamadu ay barilmaameed ka dhiganayaan degmooyinka Ceelbuur,Galhareer  iyo deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Galgaduud.

Dhinaca kale howlgalladaana ayay Saraakiisha ku tilmaameen mid looga hortagayo weeraro ay qorsheynayaan xubno ka tirsan Al shabaab, kuwaas oo la socdo dhaqdhaqaaqyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed