Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo isbaheysiyo oo ka soconaya magaalada Garowe xilli ay fooda nagu soo heyso doorashadu

Puntland oo isu diyaarinaysa Doorashada Madaxtinimada ayaa waxaa socdo  Xamaasad Siyaasadeed oo ka taagan Garoowe, isla markaana ay wadaan murashaxiinta kala duwan ee ka qeyb galaya doorashada.

Iyadoo ay soo dhawaatay xiligii ay dhaceysay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa magaalada Garowe kusoo badanaya dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed oo xooggan.

Musharaxiinta u tartameysa jagooyinkan muhiimka ah ayaa abaabulaya taageerayaashooda, iyagoo galay shirar istiraatiiji ah iyo doodo lagu xaqiijinayo codadka ka hor doorashada 8-da Janaayo, 2024-ka.

Saacadihii ugu dambeeyay ee doorashada ayaa waxaa xafisyada kala duwan ee musharixiinta laga dareemay dhaq dhaqaaqyo is daba joog ah, iyadoo xubnuhu ay shirar badan yeesheen. Wada-hadallada xubnaha baarlamaanka ayaa si gaar ah muhiim u ahaa taasoo ujeedkoodu ahaa in ay taageero u helaan musharrixiinta ay door bidaan inta lagu jiro hannaanka codeynta.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in musharaxiinta qaar ay heshiisyo ku gaareen sidii ay codkooda u mideyn lahaayeen, si ay u sii kordhiyaan suurtagalnimada in ay ka gudbaan sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay, kuwaas oo sheegaya in ay doonayaan in meesha ka saaraan Saciid Deni

Jawiga siyaasadeed ee Puntland ayaa ah mid firfircoon, iyadoo musharixiinta iyo kooxahooda ay si xamaasad leh uga shaqaynayaan sidii ay isbahaysi u samaysan lahaayeen, isla markaana ay u heli lahaayeen taageerada codbixiyaasha saamaynta ku leh, xilli gobolku isu diyaarinayo doorashada hoggaankiisa cusub.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed