Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo xadka gobollada Togdheer & Sool

Dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisad dagaal ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan xadka gobollada Sool iyo Togdheer, taasi oo la xiriirta dagaalkii u dambeeyey ee dhawaan ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo ciidamada Somaliland looga qabsaday, Saldhigyo, deeganno muhiim ah, gaadiid dagaal iyo maxaabiis.

Dad xog ogaal ah oo ku sugan magaalooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Togdheer ayaa u sheegay HBN in dhaqdhaqaaqa ciidan ee la dareemayo xooggiisa uu ka socdo dhanka Somaliland, waxaana soo baxaya abaabul balaaran oo la aaminsan yahay in dib loogu habaynayo ciidamadii ka dagaalamayay gobolka Sool.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee xooggan ayaa laga dareemayaa deegaanka Oog ee gobolka Sool halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Somaliland, halka ciidamada SSC Khaatumo ay ku sugan yihiin deegaanka Guumays, waxaana labada ciidan ay isku jiraan madaafo 20km ah.

Siyaasiyiinta, masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ku baaqayeen in la garab istaago ciidamada maamulka, taasi oo dhanka SSC Khaatumo looga fasirtay diyaar garow dagaal iyo colaad cusub, sida ay sheegeen masuuliyiinta iyo Garaaddada gobolka Sool.

Laba maalin ka hor Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in la joojiyo abaabulka ciidan isla markaana colaadda lagu beddelo jawi nabadeed.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed