Dhaqaatiirta Gaalkacyo oo ku dhawaaqay shaqo joojin deg deg ah kadib dilkii loo gesytay Dr Zakariye Cabdi Jaamac

Dhaqaatiirta Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin mudo saddex maalmood ah, kadib dilkii loo geystay Xalay Allaha u naxariistee Zakariye Cabdi Jaamac  oo lagu dilay goobtiisa caafimaad oo ku taal gudaha magaalada gaalkacyo.

Qaar kamid ah isbitaalada maaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Puntland ayaa albaabada la isugu laabay, balse waxaa sii shaqayn doona qaybaha loogu adeego bukaanada jiifa iyo dadka la soo kulma xaaladaha deg degga ah.

Dhaqaatiirta ayaa soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka turjumaya sida ay uga xun yihiin dilka loo geystay Dr Zakariye, iyo sidii uu caddaalad ku heli lahaa marxuumka.

Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo kamid ahaa dhaqaatirta ka howl-gasha magaalada Gaalkacyo ayaa kooxo hubeysan caawa ku dileen rugta caafimaadka ee Al Xaramayn Clinic oo uu Maamule ka ahaa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed