Dhacdo Xanuun Leh: Afar Caruur ah oo Walaalo ah oo Ku Dhintay Muqdisho.

Dhacdo aad u xanuun badan ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho taas oo noqotay mid hadal heyn badan ka dhalisay Caasimadda kadib markii Afar wiil oo wada dhashay ayaa ku geeriyoodeen dhismo weyn oo ay hoos  jiifeen kaas oo ku soo dumay kuna yaalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Dhismaha dumay ayaa ahay  Qadiimi ah oo aad looga yaqaannau Degmada Shangaani waxaa ku sawirnaa c lacagta kun-Ka Shilling Soomaaliga.

Caruurta wada dhalatay ee ku geeriyootay dhacdadan ayaa muddo ku hoos jirey dhismaha dumay illaa markii dambe dadka xaafada ay u soo gurmadeen balse markii laga soo saaray midna kama nooleyn.

Qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa yaalla Guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dayactir  Roobabka xooggan ee da’ay ayaa cabsi ku beeray qoysaska degen dhismahaas oo ka cabsaday in ay ku dumaan.

Arrintaan aya walwal xooggan ku beertay dadka dagan guryaha Qadiimiga ah ee muddo fog dhisnaa kuwaas oo aanan helin in dib loo dayactiro.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed