Dhacdo Xanuun Badan oo Ka Dhacday Sh Hoose Kadib Markii ay Ku Dhinteen In Ka Badan 27 Ruux

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhacdo xanuun badan oo ay ku dhinteen 27 ruux  Gobolka Shabeelada hoose ee koofurta Soomaaliya, iyada oo tiro intaas ka badan ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo qaarkood yihiin halis sida laga soo xigtay goobjoogayaa.

Tuulada Muraalee oo hoos timaada degmada Jannaale ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa laga soo warrinayaa dhacdo xanuun badan kadib markii dad deegaanka ah ay ku ku naf-waayeen waxyaabaha qarxo kuwaas oo tiro ahaan kor u dhaafaya ilaa 27 ruux, dhaawacana intaas waa u ka badan yahay sida uu warbaahinta ay u sheegeen maamulka degmada Jannaale.

Waxyaabahan qarxo oo laayay dadka shacabka ah ayaa la sheegay in caruurta ay ka soo goobo ay gantaalo ku garaaceen Ciidanka ATMIS kuwaas oo aanan qarxin balse iyaga oo kj ciyaaraa ay ku qarxeen halkood waxyaabhaas qarxo la sheegay in guri kamid ah deegaanka Muraale uu ku qarxay kadib markii Hooyo Caruur heystay ay dabka ku shiday halkaasna waxaa ku dhammaaday dadkii gurigga joogay kuwaas oo u badnaa Caruur.

Warar Kale  aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in gantaalo ay halkaasi ku garaceen Ciidanka  Midawga Afrika ee ATMIS  kuwaas inta badan howgallo ka fuliya gobolka waxaxyna beegsadaan oo Al-shabaab.

Suaalo badan ayaa jiro oo dul-hoggnaya dhacdadaan oo ku aadan sida 27 qof ay ugu dhinteen qaraxaas maaddaama aysan meesha aheyn goob saxmad aheyd oo ay dadku iskugu yimadaan, waxaa suaalaha taagan oo aanan ilaa hadda jawaab loo helin.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo saareen dowladda Soomaaliya dhacdaan ka dhacday Gobolka Shabeelada Hoose.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed