Dgaalyahanno ka yirsan Al shabaab oo lagu soo bandhigay Galgaduud

Xubno ka tirsan dagaalyahannada Al shabaab aya isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee howgallada ka wada gobolka Galgaduud, xubnahaan ayaa ku sugnaa deegaanka Cawswayne oo ay shalay la wareegeenka ciidanka xoogga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka.

Dagaalyannadaan la soo bandhigay ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Foodeey kulmiye, Cabdullaahi Ibraahim Xasan , Aadan Ibraahim Abshir iyo kuwa kale oo ku sugnaa dhulka howdka ah ee deegaanka Cawswayne, kuwaas oo ka qeybta qaatay dagaallo ka dhacay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbaahinta ku hadasha afka  ciidamada dowladda ayey ka soo muuqdeen kuwaas oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikirkii hore oo ay kula joogeen kooxda Al shabaab, iyaga oo intaas raaciyay in ay go,aansadeen isku soo dhiibida ciidamada dowladda.

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayay dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibayay ciidamada dolwadda Soomaaliya, taniyo markii uu bilaawday howlgallada ka dhanka ah Al shabaab, xubno kala duwan ayaa ka imaanayay dhinaca kooxda Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed