Deni oo magaacabay taliyaal ciidan xilli ay cakiran tahay xaaladda ku saabsan arrimaha doorashooyinka maamulkaas

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa wareegto ka soo baxday  xafiiskiisa ku magaacabay Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta maamulkaas, S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, halkaS/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay mataxtooyada  ayaa lagu yiri sidaan “Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyn,  kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland”

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda
Ciidanimo.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Magacaabistaan ayaa ku soo aadeyso iyada oo xaaladda arrimaha doorashooyinka maamulkas ay cakiran tahay, ka dib markii xukuumadda deni ay ku adkeysatay in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah, halka Mucaaradka maamulkaas ay ka hor yimadeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed