Deni oo ka tanaasulay doorashadii uu doonayay kaddib culusyo kaga yimid dhanka Isimmada iyo Mucaaradka

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaca ka qaaday in isbedel uu ku sameeyay hanaanka doorashada maamulkaasi, islamarkaana uu soo afjaray khilaafkii mudada dheer u dhaxeeyay asaga iyo mucaaradka.

Go’aanka Madaxweyne Deni waxa uu waafaqsan yahay soo jeedintii guddiga dhaqanka ee SSC-Khaatumo isla Arbacadii. Guddiga ayaa diiradda saaray xallinta khilaafaadka, waxayna ku taliyeen in doorashada baarlamaanka lagu celiyo. Waxay soo jeediyeen in doorashada madaxweynaha la qabto 8-da Janaayo 2024, si looga hortago khilaaf siyaasadeed iyo xasillooni darro. Sida uu qorshuhu yahay xubnaha baarlamaanka ee hadda jira ayaa dooran doona madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, iyadoo doorashada baarlamaanka cusub, iyadoo la adeegsanayo nidaamka hal qof iyo hal cod, la qorsheeyay laba iyo toban bilood kaddib.

Bishii hore ayay ahayd markii guddiga doorashada Puntland ay soo bandhigeen jadwalka doorashada hal qof iyo hal cod, taasoo uu si weyn u taageeray madaxweyne Siciid Deni. Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa ku gacan seyray, iyagoo ku andacoonaya inay tahay qorshe lagu doonayo in xilka loogu kordhiyo Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa qiray go’aankii lagu laalay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, isagoo sheegay inuu aad u adag yahay, mar uu warfidiyeenka kula hadlayay Madaxtooyada Garoowe. Isla markaana duruufaha jira iyo khatarta colaadeed, ayuu door biday inuu dib ugu laabto hannaankii doorashada dadban sida uu sheegay, oo madaxda qabaa’ilka ay door muhiim ah ku leeyihiin soo xulista xildhibaannada gobollada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed