Deni oo ka hadlay isbeddelka siyaasaseed ka dhacay deegaannada SCC-Khaatumo eedna u jeediyay dowladda dhexe

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in isbedellada siyaasadeed ee ka dhacay deegaanada SCC-Khaatumo ay saameyn ku yeelan karaan mowqifka Somaliland ee dhameystirka dastuurka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay furitaanka Kal-fadhiga 53-aad ee Baarlamaanka  Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garoowe, ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in Dastuurka iyo Shuruucda dalka aan la dhameystiri karin, ilaa laga xaliyo khilaafka u dhexeeya SCC-Khaatumo iyo Somaliland.

Bishii Feberaayo, Odayaasha Dhaqanka Sool, Sanaag iyo Cayn, ee loo yaqaan SCC-Khaatumo, waxay ku dhawaaqeen inay doonayaan inay Soomaaliya ka dhisaan maamul ka madax-bannaan oo federaal ah oo la magac baxay SSC-Khaatumo.

Dawladda federaalku waxay sidoo kale xaqiijisay inay ka go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada ee lagama maarmaanka ah ee SCC, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo biyo-gelinta iyadoo wax laga qabanayo walaacyo bani’aadanimo oo ballaaran.

Deni ayaa dhaliilay madaxda dowladda federaalka. Saciid C/llaahi Deni ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay ku kaceen falal wax u dhimaya midnimada dalka.

Deni ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay ku xadgudbatay hannaanka federaalka ee dalka, sidoo kalena ay jabisay dastuurka KMG ah, sida uu hadalka.

Sidoo kale waxa uu ka horyimid go’aanadii u dambeeyay ee kasoo baxay xubnaha golaha wadatashiga oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Puntland ayaa  sheegay in madashu aysan kalgeed go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama awooddii hoos loo daadajiyay.

Deni ayaa si adag uga soo horjeestay in meesha laga saaro doorkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in la helo nidaam madaxtinimo iyo soo jeedinta in labo xisbi oo kaliya ay ku tartamaan talada dalka.

Walaaca madaxweyne Deni ayaa imaanaya maalmo kadib markii dowladda Federaalka ay si rasmi ah u xaqiijisay in ay wada shaqeyn la leedahay madaxda cusub ee loo magacaabay maamulka SCC-Khaatumo.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed