Degmada Mahadaay oo laga soo warinaayo xaalad bini’aadantinimo oo adag

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in xaalad bini’aadantinimo ay ka jirto degmada Mahadaay kadib safar uu ugu kuur galayay khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay roobabka iyo daadadka.

Madaxweyne Guudlaawe waxa uu ku nuux-nuux saday heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada jirta, wuxuuna yiri “Waxaan tagnay degmada Mahadaay oo fatahaada wabiga iyo roobabku ay saameyn weyn ku yeesheen dadka iyo beerahoodii, runtii xaalad bini’aadinimo oo adag ayaa ka jirta”. Waxa uu tilmaamay in dadka deegaanka gaar ahaan kuwa ku teedsan jiinka webiga ay aad ugu tiirsan yihiin tacbashada beeraha,taasi oo sii kordhineysa dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka dhibaateysan.

Kumanaan qoys oo ku nool deegaanada maamulka Hirshabeelle ayaa soo gaaray burbur aad u badan, oo ay ku waayeen guryo iyo hanti, kadib roobabkii iyo fatahaada wabiga Shabeelle. Madaxweyne Guudlaawe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka ka codsaday in ay gurmad la soo gaaraan dadka la tacaalaya dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha.

Deegaannada maamulka Hirshabeelle waxaa ka da’ay roobab xooggan oo ka da’ay deegaanno kala duwan, iyadoo Wabiga Shabeelle uu sameeyay fatahaado iyo barakac ballaaran. Xaafadaha ku teedsan jiinka wabiga ayaa waxaa ku fatahay kadib markii uu buux dhaafiyay wabiga,taasi oo sababtay in kumanaan ruux ay ka barakacaan guryahoodi oo ay gabaad ka dhigtaan dhul sare.

Si wax looga qabto dhibaatooyinka soo ifbaxaya, madaxda Soomaalida waxay si deg deg ah ugu baaqeen in loo gurmado dadka dhibaateysan. Codsigu wuxuu hoosta ka xariiqayaa baahida degdegga ah ee loo qabo dadaallo iskaashi si wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey lana yareeyo caqabadaha joogtada ah ee ay keenayaan masiibooyinka dabiiciga ah.

HBN NEWDS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed