Degmada Buulaburde oo ay go’doomiyeen fatahaadaha Webiga Shabeelle isla markaana sameeyn ku yeelatay dadka deegaanka

Degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan xaalad adag kaddib  fatahaado ka dhashay fatahaad oo uu sameeyay wabiga Shabeelle. Buundada muhiimka ah ee magaalada, oo isku xirta gobollada dhexe iyo koonfurta, ayaa hadda waxaa uu buux dhaafiyay daadad, taasoo khatar xooggan ku ah xaafadaha ku dhow dhow.

Wararka laga helayo degmada ay dhibaatadu ka dhacday ayaa muujinaya biyo xireenka baahsan waxaana ugu daran ,Indhakeel,Wadajir,iyo Xaajibuube kadib markii uu jabay biyo xireenka,iyaga oo sii daayay biyo aad u fara badan oo maalmihii lasoo dhaafay is aruursanayay. Digniino  ayaa loo jeediyay shacabka ku dhaqan xaafadaha Hanti-daag iyo October, iyadoo la filayo in fatahaad uu soo gaaro maadaama heerka biyuhu ay sare u kaceen.

Buundada Buuloburde, oo halbowle u ah isu socodka gaadiidka, ayaa qarka u saaran inay burburto sababtoo ah buuxdhaafka joogtada ah ee fatahaadaha. Dadka deegaanka ayaa isticmaalaya doomo dheereeya si ay ugu maraan daadka,iyaga oo ku nuux-nuux saday xaalada adag. Xaaladan ayaa kusoo aadaysa iyadoo roobabkii dabaylaha ay ka da’een guud ahaan gobolada dalka, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare nafeed, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed