Deg-Deg: Erdogan oo Ku Guuleystay Madaxweynaha Turkiga.

Doorashadii ka dhacday dalka Turkiga ayaa waxaa markale dib loo diirtay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ku  guuleystay doorashadii ku-celiska aheyd ee kaas oo cagta mariyay Ninkii sida adag ula loolamayay  sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah ee warbaahinta dowladda ay shaacisay.

97% codadkii la tirayay,  Erdogan ayaa ku horreeya 52.2%, iyada  Musharaxii ay is hayeen ee  isbaheysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 47.7%.

Guddiga doorashada ayaan weli si rasmi ah ugu dhowaaqin natiijada balse Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in ay shaaciyaan maaddaaama ay soo dhammaatay goordhaw tirinta Codadka.

Guushaan weyn  ayaa uga dhigan madaxweyne Erdogan uu hoggaamin doono dalka Turkiga 5 sanno ee aadan, asiga oo muddo markii 2aad oo xiriir oo ku guuleystay doorashooyinkii Turkiga.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed