Deg deg Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la qabtay qarxyo iyo xubin ka tirsan Al-shabaab

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya ciidanka deegaanka ay dileen xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab, halka mid kamid ah lagu qabtay nolosha, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay mooto wadday waxyaabaha qarxa, Isgaarsiinta Ciidanka iyo hub ay wateen.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Baraag Ciise oo ka tirsan Mudug, howgalkaan ayaa ahay mid qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, Howlgalkan ayaa yimid kadib markii  bulshada daggan deegaan Baraag Ciise ay ciidanka ku soo wargaliyeen in laga qaadayo lacago aysan awoodin oo dhinaca Al-shbaab ah, sidaas waxaa  faafisay dowladda Soomaaliya.

Faah faahino dheeraad dowladdu kama bixin howglkaas, balse waxay intaas raacisay in macluumaad intaas ka badan ay soo bandhigi doonto.

Wixii soo kordho halkaan kala soco…

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed